a poor man who sacrificed you his life



 Sabool Kugu sida dushaa

Sabool kugu dhaqaya Diin

Sabool dadba kuugu Jecel

Sabool kugu Qaba dantaa

Sabool dermo kula goglada

Sabool dallad kula hadhsada

Intuu samir Kula Dugsaddo

Sabool marna kula Damqada

Sabool marna Kula Dardhada

Duruuftana kaala Siman

Dareenkana kaala Mida

Ayaa dar Allee ka roon

Mid aan dabacsani Lahayn

Mid aan dabka kaa bakhtiya

Dhankiisa ka daari karin

Markuu helo duunyo badan

Mid uu diinaar beddalo

Midaad Ku Daryeeli Karin

Midaan Kaa Dayn Afxumo 

Intuu Dumarka u Sanqado

Fiidkii daba gala Hablaha

Dhammaan Diricyada Eryada Laabsaalax




Comments