Don't be a poor person in a world where you are king



 Duni aad ka tahay boqor ha ka noqon qof dayra ah 

Duni aad ka tahay boqor

Ha ka noqon qof dayro ah

Dahab baad u dhalatee

Sida maar ha doorsamin

Karaamaad ku dadantee

Sida duunyo haw lumin

Adigoo dal hagi kara

Aduu haysla daadagin

Damaciisu noqo ruux 

Yahay doori waayaha

Darran ee Carriga jira

Dibnihiyo  hungurigiyo

Dalqo yay u maamulin

Wax calool u degga iyo

Dhuuni yuu ku daadihin

Dhegtu way da'a wayntee

Magacaaga diib mari

Taariikh baa  danbaysee

Ha ka tagin wax laga dido

Waxa Uunka kugu darra

Dar allee gob kaa dhiga

Dun samaanta weeyee

Noqo Ruux ka daahira

Waxa sharafta kaa dila



Duni aad ka tahay boqor

Ha ka noqon qof dayro ah

Dahab baad u dhalatee

Sida maar ha doorsamin

Karaamaad ku dadantee

Sida duunyo haw lumin

Adigoo dal hagi kara

Aduu haysla daadagin

Damaciisu noqo ruux 

Yahay doori waayaha

Darran ee Carriga jira

Dibnihiyo  hungurigiyo

Dalqo yay u maamulin

Wax calool u degga iyo

Dhuuni yuu ku daadihin

Dhegtu way da'a wayntee

Magacaaga diib mari

Taariikh baa  danbaysee

Ha ka tagin wax laga dido

Waxa Uunka kugu darra

Dar allee gob kaa dhiga

Dun samaanta weeyee

Noqo Ruux ka daahira

Waxa sharafta kaa dila

Comments